
Muqdisho – Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya, Charles King, ayaa ammaanay iskaashiga muddada dheer ee dalkiisa uu la leeyahay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo doorkeeda muhiimka ah ee sare u qaadista karaaanka Ciidanka Amniga Soomaaliyeed. Mar uu booqasho barasho ah ku tagay Qaybta Duulista ee UNSOS ee Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, Danjire King waxaa soo dhaweysay Ku…



